Ciidamada Xooga Dalka ee ku sugan Xaduudka Kenya iyo Soomaaliya oo sheegay in ay qabteen lacago loogu talagalay in lagu duminayey Soomaaliya

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag siday lacag ay sheegeen in laga keenay dalka Imaraadka Carabta.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay inay ahaayeen laba nin iyo lacag ay wateen, inkastoo aysan sheegin tirada lacagta gacanta lagu dhigay, iyo nooca shaqsiyaadka lacagta waday.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Beled-Xaawo oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in lacagtaan la doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Talyahaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada ammaanka ee ka howlgala dhulka xuduuda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo khal khal gelinaya amniga dalka.

Imaraadka carabta ayaa horaantii sanadii 2018kii goroonka diyaaradaha Muqdisho Aadan Cade lagu qabtay diyarad waday lacago loogu talagalay in lagu af kanbiyo Dowlada haatan talada hayso, si dalka qalalaase siyaadeed uu galo.

Imaraadka iyo Dowladaha Dariska ah ayaa danaynaya Doorashada Soomaaliya, iyagoo raadinaya in saamayn muuqata ay ku yeeshaan xubnaaha u tartamaya Xilka ugu sareeye ee Madaxtinimada.

Isku daygaan Imaraadka ayaa noqonaya dhowr tijaabo oo ay rabeen in lagu carqaladeeyo Dowladada Soomaaliya, basle ugu dmabayn ku biyo shubtay fashil iyo guul daro, iyadoo Dowaldada Soomaaliya ay il gaar ah ku hayso dhaqdhaqayada Imaraadka Carabta ay ladamacsan yihiin qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya