Maamulka putland oo digniin u diray mamulka somaliland

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo uu wehliyo taliyaha Ciidamada difaaca Puntland ayaa booqday fariisimaha Ciidamada Maamulka Puntland ee deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka amniga Puntland ayaa ka hadlay dagaal Khasaaro geystay oo maalmo kahor Ciidankood iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray deegaanka lagu magacaabo Kadhada oo 18-KM u jira Yubbe, waxaana uu sheegay in Somaliland ay weerar kusoo qaadeen Ciidankooda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Puntland ay Khasaaro ku gaarsiiyeen kuwa Somaliland weerarkii ay soo qaadeen, isla markaana laga qbasaday hub iyo gaadiid dagaal.

Wasiirka amniga Puntland  ayaa tilmaamay in marar kala duwan ay Somaliland u sheegeen inay joojiyan Colaada, hayeeshee taasi ay suurta-gal noqon weyday, wuxuuna ugu hanjabay Somaliland inay Jawaab kala kulmi doonaan Colaada ay ka wadaan Sanaag.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa cadeeyay in Ujeedkooda haatan uu yahay sidii ay u tegi lahaayeen Magaalada Ceerigaabo ee Gobolkan Sanaag, waxaana uu Ciidanka maamulka Puntland ugu baaqay ilaalinta deegaanka.

Si kastaba hadalka Wasiirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo  labada maamul maalmo kahor uu dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray deegaanka Hadaaftinimo ee Sanaag, waxaana labada maamul ay dagaalkaas ka kala sheegteen guulo.