Wasiir Bayle oo kulan la qaatay agaasimaha fulinta IMF

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa uu kulan la qaatay agaasimaha fulinta Hay’adda lacagta aduunka IMF.

Wasiir C/raxmaan Bayle oo War qoraal ah bartiisa Facebook uu kusoo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina Georgieva, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

“Waxaan uga mahad celiyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadalkii ay hay’adda lacagta aduunku ka soo qaadatay dib-u-habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka dayn cafinta Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan Bayle.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray “Dhamaan caalamka iyo IMF waxaan u xaqiijinayaa in dowladdeena ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu hormarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbadalka Maaliyadda”.