Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka,  ayaa weerar culus ku qaaday Ilhaan Cumar wuxuuna si doo kale ka hadalaya dalka soomaliya oo ilhaan omar ka soo jeedo

Qoraal Trump  uu soo baraha Bulshada soo galiyeey ayaa waxa uu  wajahnaa xildhibaano kale oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadaasi  Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez . kuwaas oo sidoo kale Trump uu aflgaadeeyey dalalkooda.

Saddex qoraal oo uu shalay Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan,

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.