Resulwasaare Khayre Oo Markale ku Laabtay Cadaado

Resul wasaraha xukuumada somaliya xassan cali khayre ayaa maanta markale gaaray magaalada cadaado ee xarunta baarlamaanka maamulka galmudug

U jeedka socdaalka resul wasaraha ayaa ah sidii uu uga qancin lahaa tabashada ay muujiyeen bulshada reer cadaado iyo sidii uu uga dhaadhicin lahaa in ay kasoo qeyb noqdaan gogosha uu resulwasaaraha dhigay magaalada dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka galmudug

Resul wasaare khayre ayaa inta uu ku suganyahay magaalada cadaado kulamo la qaadan doono xildhibaanada,siyaasiyiinta,iyo waxgaradka reer cadaado si uu kaga dhaadhiciyo in galmudug ka dhacdo doorasho loo dhanyahay.

maalmihii ugu dambeeyay resulwasaare khayre ayaa ku sugnaa deegaanada galmudug isaga oo kawaday halkaasi waanwaan uu iskugu soo dhaweenayo bulshada iyo madaxda galmudug oo khilaafku kala fogeeyay.