Hay’adda Nisa Oo Kahadashay Qaraxii Maanta …………

Hay’adda  Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka dowlada fadaralka somaliya ayaa war kasoo saartay qaraxii barqanimadii saakay ka dhacay agagaarka wadada digfeer magaalada muqdisho

War lagu daabacay barta twitter-ka ay ku leedahay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa lagu cadeeyay in ciidamada amaanka dowlada somaliya ay fashiyiliyeen gaariga qaraxa ka buuxay, aysana jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi.

“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Hadalka kasoo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa kusoo aadaya xili barqanimadii maanta qarax xoogan laga maqlay inta badan dagmooyinka gobalka banaadir…