Sababihii kentay dhimashadii Mursi oo markii ugu horeeyay la Cadeeyay

 Kaddib dhowr bilood oo aamusnaan ah, warbixin kasoo baxday QM ayaa xaqiijisay in hogaankii la doortay ee Mohammed Morsi uu si ku tala gal ah u diley nidaamka kali taliska ah ee inqilaabay madaxwaynaha qura ee abid la doortay, taasoo ah meel ka dhac xuquuqda insaanka ah oo baahsan.

Warbixinta QM qaybteed ayaa u qoran sidatan: “Mursi waxaa 23 saacadood oo xiriir ah lagu hayey meel go’an, iyadoo aan baaritaan caafimaad lagu samaynin, jeer uu qabo dhiig kar, sonkor, indhuhuna xanuunayeen.”

”Sidaas ayuu taliska Masar u diley Morsi weliba qaab tartiib ah oo xanuun badan,” ayay warbixintu raacinaysaa.

Morsi ayaa maxkamadda ku dhex dhintay 17-kii Luulyo, iyadoo ay bilowgiiba muuqanaysey inaan la daryeelin caafimaad ahaan iyo jir ahaanba.

Ururro badan oo xuquuqda insaanka u dooda ayaa reer Galbeedka oo afgembigan ka raalli ahaa, qaarkoodna ay wax ka maleegeen ka codsanayay in taliska lagu cadaadiyo inuu joojiyo meel ka dhacyada xuquuqaha asaasiga ah.

dalalkaas lala hadlayay oo uu Maraykanku u horreeyo marna ma dhegeysanin baaqyadaa qayla dhaanta ah, taasoo keentay inuu taliska Masar ku koco mid ka mid xadgudubyada ugu daran casrigan, iyadoo ay boqollaal qofi weli xiran yihiin sababo siyaasadeed.