Shacabka Muqdisho oo Si Caro leh oga hadlay meel ka dhicii loo gestay Passpor ka Soomaaliya

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaladda Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay falkii ay dawladda
kenya ay kula dhaqan tay Xubno isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano.


Xubanaha Xalay Ku Xayiranaa Garoonka joma Kenyata ayaa Ka mid ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda
tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, senator Ilyaas Cali Xasan, iyo senoter
samsam daahir oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.


Haddaba arintaas ayaa si carre leh waxaa ugu hadlay qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaladda
Muqdisho waxaan la dhex qaadnay Cod baahiyaha radio sareeye Ee magaladda Muqdisho waxana ay
cabireen sidda ay ugu xun yihiin falkii loo gaystay mnasuuliyiintaasi.


waxaa ayna sidoo kale ay sheegeen in talaabo looga fadhiyo in ay qaado Dawladda Soomaaliya
talaabadaas ay noqoto mid xeriirka diblo maasiyadeyda loogu jaraayo dawlkadda kenya.

Kenya ayaa dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyin farabadan waxaa ay isku dayeysaa inay cadaadis ku
saarto in dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya laga laabto,hayeeshee Madaxda
Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in marnaba aan wadahadal laga galeyn.
Sidoo kale Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ay
ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka, waxaana go’aanka Kenya ay ku diideen dalkeeda inay galaan
masuuliyiintaan uu noqday mid soo boodo ah oo saan saantiisa horay aysan u sii muuqan.