Sirdoonka Imaaraadka oo kenya Soo buuxdhaafinaya Sabab maxey tahay ?

Mugadishu-Somalia : Anagoo soo xiganeyna Siyaasi Faarax Macalin oo ka mid ah Siyaasiyiinta Sida weyn ula socda arimaha Imaaraadka iyo dhaqa dhaqaaqyada kenya ay wado ayaa sheegay in maalmhaan dalka kenya ay soo buuxdhaafinayaan Sirdoonka Imaaraadka, ayagoo kenya ka dhaadhicinaya ineey cuna qabateyn saarto dalka Soomaaliya .

siyaasigaan ayaa ku twitter kiisa ku qoray ”Nairobi waxaa haatan ku xoonsan Sirdoonka
Imaaraadka oo ka wada weerarro iyo howlo ka dhan ah
midnimada iyo degannaanta Somaia.”

Imaaraadka ayaa ka carooday in Dalka Soomaaliya laga eryo shirkada DP world ayadoo sidoo kalana kenya ay ka cabsi qabto in go’aan aysan jecleysan ay kasoo baxdo Maxkamadda Dunida ICJ maadaama qofka ugu sareeyo uu yahay shaqsi Soomaaliyeed .