Shirkadda DP world oo halis galisay kumanaan muruqmaalato ah oo ka howlgalayey dekeda berbera

Shirkada laga leeyahay dalka imaaraatka carabta isla markaana maamusha dekeda weyn ee magaalada berbera ayaa shaqadii ka ceyriisay kumanaan kale oo muruqmaalato ah kuwaas oo ka howlgalayay dekeda weyn berbera.
Shirkada ayaa horey u keentay qalab casri ah kaas oo meesha ka saaray dadkii masaakiinta ahaa ee nolol maalmeedkooda ka raadinayay dekeda.
Talaabadan ay qaaday shirkada dp world ayaa waxaa ku garab siinaya masuuliyiin ka tirsan Somaliland sida qaar ka mida dadka laga eryay shaqada dekeda ay warbaahinta u sheegeen.


Maamulka Somaliland weli kama uusan hadlin shaqo joojinta ay shirkada DP world ku sameysay boqolaal muruqmaalato ah oo ka holwgalayay dekeda berbera waxana tani ay muujineysa is hor istaaga ay shirkadda dpworld ku heyso nolosha muruqmaalatada ka howlgasha dekeda berbera oo ay shirkadu ka hesho lacago fara badan kuwaas oo ku dhacda jeebka shaqsiyaad gaar ah kuwaas oo u ogolaaday in dp world go’doomiso nolosha boqolaal dadweyne ah oo ku nool Somaliland .


Shirkadan laga leeyahay dalka imaaraatka ayaa ujeeedkeedu yahay burburinta dhaqalaha dalka iyadoo horey ay dowlada faderaalka soomaaliya dalka uga ceyrisay ka dib markii lagu helay ku xadgudub ay shirkadu ku sameysay soomaaliya.
Dhowr jeer shacabka ku nool magaalada berbera ayaa maamulka Somaliland ka codsaday in dekeda berbera laga wareejiyo shirkada dp world oo ayb sheegeen in aysan kobcineyn dhaqaalaha Somaliland balse ay damacsan tahay dib u dhaca dhaqaalaha Somaliland.