Axmed madoobe oo Nabadoono ku xir-xiray magaalada Kismaayo

Ayadoo ay odayaasha dhaqanka ee jubaland ku howlan yihiin soo xulista xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedka jubaland isla markaana ay cadaadis badan kala kulmayaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee axmed madoobe kaas oo odayaasha ku handadaya soo xulista xildhibaanada cusub. In ka badan 20-oday dhaqameed ayaa isaga soo cararay kismaayo ka dib markii loogu hanjabay in la dili doono haddii aysan soo xulin xildhibaan uu wato axmed madoobe.

Isla dhinaca kale xabsi ku yaalla magaalada kismaayo waxaa ku xiran Suldaan maxamed c,llaahi kabow iyo salaadiin kale kuwaas oo ka biyo diiday cabsigelinta axmed madoobe. Nabadoon badel jaamac oo ka mida nabadoonada soomaaliyeed ayaa idaacadda sareeye u xaqiijiyay in uu xiran yahay Suldaan maxamed c,llaahi kabow iyo salaadiin kale “ shalay ayaa la xiray suldaanka waxaana xiray ciidamo ka amar qaatay axmed madoobe ka dib markii uu qasab uga dhigay in ay sooo xulaan xildhibaan uu isagu wato taasna waa ay diideen salaadiinta ka dib waa uu xiray” ayuu yiri nabadoon badel jaamac.

Nabdoon badel ayaa sidoo kale sheeegay in axmed madoobe uu kula heshiiyay kenya in jubaland ay si toos ah u hoostageyso kenya “Axmed madoobe wuxuu jubaland doonayaa in uu u gacan geliyo kenya waana taas awooda uu u adeegsanayo shacabka masaakiinta ah ee jubaland” ayuu uiri nabadoon badel jaamac.

Axmed madoobe ayaa dadaal badan ugu jira in mar kale uu noqdo madaxweynaha jubaland haatan ma muuqato saan-saan uu axmed madoobe dib ugu soo laaban karo hogaaminta dowlad goboleedka jubaland.