Taliyayaasha Ciidamada Oo Dardar Galinaya Qorshe Uu Resulwasaare Khayre Amray……

Saraakiisha ugu sareeysa ciidamada dowlada somaliya ayaa maanta kulan  La qaatay magaalada dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka galmudug saraakiisha ciidamada maamulka ahlusuna oo lagu wareejiyay dowlada soomaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen taliyaasha ciidamada asluubta,booliska,iyo taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa looga wada hadlay sidii lagu dardar galin lahaa in ciidamada ahlusuna laga dhigo ciidamo qaran sidii uu amray resulwasaataha dalka

Saraakiisha sare  ee ciidamada dowlada somaliya ayaa iminka magaalada dhuuso-mareeb kawada tiro goob iyo diiwaan galin ay ku sameenayaan ciidamada ahlusuna si ay kaga mid noqdaan ciidamada dowlada somaliya u qoran.

Dhawaan beey ahayd markii resulwasaaraha xukuumada somaliya xasan cali khayre ku dhawaaqay in ciiidamada ahlusuna loo diiwaan galiyo ciidamada dowlada in ay kamid noqdaan.