Wakiillada Midowga Afrika iyo IGAD Oo dhuuso-mareeb Gaaray….

waxaa magaalada dhuuso mareeb ee xarunta maamulka galmudug maanta gaaray Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, 

wafdiga ayaana waxa ay kulamo la qaateen resulwasaare xassan cali kheyre kulanka ayaana looga wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa arimaha doorashooyinka maamulka galmudug.

Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa bogaadiyay hanaanka ay xukuumada somaliya ku raadineyso in galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

si kastaba wadamada daneeya siyaasada somaliya ayaa iminka waxa ay ka dhowr sugayaan natiijada ka timaad doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka galmudug.