Wafdi ka Socda dowlada Dhaxe Oo Gaaray BALANBALE……….

Sarakiisha ugu sareeysa ciidamada asluubta,booliska, iyo kuwa xooga dalka oo ay wehlinayaan qaar ka tirsan xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka somliya ayaa maanta gaaray magaalada balanbale ee gobalka galgaduud.

Wafdiga  waxaa magaalada balanbale kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka galmudug cabdi xaashi carabeey waxaana u jeedka wafdiga lagu sheegay in ay doonayaan diiwaan galinta ciidamada kusugan balanbale si ay kaga mid noqdaan ciidamada xooga dalka.

 Socdaalka taliyayaasha ciidamada ayaa u muuqda mid ay ku dardar galinayaan qorshaha uu resul wasaare khayre amray in lagu diiwaan galiyo ciidamada maleeshiyaadka ah ee ku sugan deegaanada maamulka galmudug