Wakiiladaka socda Beesha Caalamka iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo maanta Shir kaga furmay Madaxtooyada Qaranka

Wakilada beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa saacadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho oga furmay shir gaar ahaan Madaxtoiyada Soomaaliya, kaasi oo loga arimaha Doorashada Soomaaliya.

Shirka wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah safiirada kala duwan ee Caalamka fadhiya Soomaaliya, kaawaasi oo hogaaminayo Ergayaga gaarka ah Qaramada Midoobay ee James Swaan.

Swan oo baryaahan ku sugnaa Magalada Garoowe, islamarkana soo maray qaar ka tirsan Maamul Gabaleedyada, ayaa doonaya in Madaxda Dowlada Fadareelka Soomaaliya, uu kala hadlo Arimaha Doorashada Soomaaliya, iyadoo ay caqabd ku noqdeen Maamulada Jublaand iyo Putlaand.

Hagaamiyaasha Axmed madoobe iyo Siciid Dani ayaa ku baaqay shir kaasi oo ku xusnaa maanta oo tariikhda tahay 30bisha jaanaayo Sanada 2021da, islamarkana doonaya gorgortan hor leh, oo wax looga badalayo heshiiskii 17kii Sebtember kaasi oo ay gaareen Dowlada Fadraalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Faderaalka.

Shirkaani ayaa diirada lagu saarayaa, sidii Dalka Doorasho ooga dhici lahayd, islamarkana la iskugu keenayo dhinacyada Jubalaand Putlaand, iyo Dowalda Faderaalka Soomaaliy, iyadoo ay dalbanaya Ammed madoobe iyo Siciid Dani in mar kale shir la iskigu imaado Muqdisho.

Shirkan ayaa inta badan madaxdii hore waxaa looga yeeri jiray xarunta xalane balse dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne farmaajo ayaa ku guuleysatay in madaxda beesha caalamka ay bedelaan dhaqankii ahaa noogu yimaada xalane taas oo muujineysa qabka dowladnimo ee uu madaxweyne farmaajo u horseeday dalka