Madaxwayanaha jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya oo Shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, islamarkana sheegay halka uu ka dhici doono shirkaasi

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray Maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir

Madaxwayne Farmaajo ayaa shaaciyey in kulan la isugu yimaado mar kale Magaalada Samareeb ee Xarunta Galmudug, iyadoo qaar ka tirsam Maamul Gobaleedyada ay wali carqaladeyn ku hayaan Hanaanka Dorashada, kaasi oo ay gacmahooda ku saxiixeen.

Madaxwayne farmaajo ayaa dhowr jeer u tanaasulay madaxda Maamulada jubalaand iyo Putlaand, kuwaasi oo mar walba kasoo horjeesta heshiisyada laga gaaray dooroshooyinka dalka.

Hogaamiyasha jublaand iyo putlaand ayaa wali doonaya qorshayaal ay ka dambeeyaan Dowladaha Shisheeye, gaar ahaan Kenya iyo Imaaraatka, islamarkaana damacsan qorshayaal kale oo caqabad ku noqon kara heshiiskii 17kii September.

Xog iyo baaritaano ay samaysay Sareeye Fm, islamarkana ay u sheegeen ilo wareedyo ka dhow maamulada jublaand iyo Putlaand, ayaa noo caadeyey damaca Siciid Dani iyo Axmed madobe in uu yahay in wax laga badalo heshiiskii 17kii Sebtember, islamarkana lagu soo daro kuwo kale oo dheeraad ah,

Balse Dowlada Faderaalka ayaa ku adkaysanaysa In aan wax laga badalin heshiiska, islamarkana la dhaqan galiyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Is-hor istaaga ay Doorashada ku hayaan axmed madoobe iyo deni ayaa leh ujeedooyin ay si gaar ah u wataan dowladaha kenya iyo imaaraatka,kuwaas oo faragelin ku haya dooroshooyinka dalka