Warbxin:-Dagaalka Trump iyo Ilhaan oo waji kale yeeshay iyo taageerayaal soo faragaliyey

Isku soo bax uu qabtay madaxweyn Donald trump  oo ka dhacay mareykanka ayaa mar qura is qabsaday dadkii ooo dhahaya dib haloo celiyo ayada  ayagoo ula jeeday  ilhaan omar  oo trump ku tilmaantay madaxweeyne cusuri ah.

Dadkaan aya oranayey markasta uu trump soo magac qaaday ilhaaan mar kadib  markii uu soo qoray faalooyin badan oo ka dhan Ilhan,OmarOcasio-Cortez, Omar, Pressley, and Tlaiboo uu u sheegay in ay baxaan oo ay dib ugu laabtaan dalalkii danbiyada ay ladageen oo ay ka yimaadeen.

Ilhaan oo ku dhalatay somaliya ayaa mareykanka tagaty ayadoo qaxooti ah halka sedexda kale ay ku dhasheen mareykanka waxayna arintaan sii kala qeybsisay daka mareykaka oo qaarna ay kutaageeren qaarkalana ay ku diideen.

Hadal haynta ugu badan oo ay isweeydiinayaan warbaahinta ayaa ah xagee iskala qaadeen Donlad Trumph iyo Ilhaan  Omar.

xiligii uu madaxweeyne Tumph ku jiray  ololaha doorashada  waxaa aad loo xasuustaa hadal uu kuyiri Soomalida ku nool mareykanka oo  ahaa in falal argagiso ay ku kordhiyeen minesota  oo hadii ladoorto uu ka hortagi  doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta soomaliyeed waxaa kaloo aad loo xasuustaa hadal caan baxay oo ay tiri ilhaan omar dadka minesota yaysan soo dhaweynin qaxootiga kaliya balse sidoo kale ay u diraan Washington oo ay ula jeeday doorashadeeyda maadaama ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay.

Markii la dhaariyeey ilhaan Omar  ayaa waxa ay farta u fiiqday arimo ay ka mid yihiin taageerada uu siiyo dowlada sucuudiga oo dagaal kawada dalka yemen waxayna  ku baaqady in uu joojiyo  taagerada  uu siiyo xulifada sucuudiga uu hogaamiyo  ee dagaalka kawada dalka yemen.

tan iyo marki la soo doortay ilhaaan omar waxay fursad walbo oo soo marta u adeegsatay in ay weerarto trump waxaana tusaale loo soo qaadan karaa hakadkii kuyimid  adeegyadii doowlada kadib markii trumph  uu aqalka congeress-ka ka dalbaday dhaqalo lagu dhisayo xadka mareykanka iyo mexico si uu ansixyo dhaqalaha lagu kala wadayo adeegyada dowlada .

ilhaan aya aarintaas si weeyn uga soo horjeesatay waxayna bilowday ololo looga  hortagayo  qorshaha madaxweeyne Trump  sidoo kale ilhaan ayaa ka soo horjeesatay qaabka uu madaxweeyne donald Trumph ula macaamilayo Dowlada VENEZUALA waxayna sheegtay in cuna qabateeynta Trumph ay  tahy  mid uu doonayo in uu uga faaiideysto is badal dhanka hogaanka ah  oo kadhaca dalka VENEZUALA  waxa ay ka digatay talaabo militeri  oo ka dhan ah dowlada madaxweeyen nikolas  maduru.

ilahaan omar waxay ay sidoo kale soo jeedisay in canshuur dhan 70% laga qaado maalqabeenada dalka mareykanaka maadaama madaxweeyne trumph la’aaminsanyahay in uu ka shaqeeyo danaha ganacsatada waa weeyn ee mareykanka.

ilahaan waxaa kale ee la rumeysanayahay in ay aad uga soo horjeedo qaabka ay ula dhaqanto israil dalka falstiin waxayna mar twitterka ku soo qortay in ilaaheey uu dadka tuso dhiibaatada ay isral  ku hayso Gaza.

ilhaan waxy aad ugu dheeraatay dabecadaha  Trumph ayadoona sheegatay  in marka la eego cadeeymoo isa soo taraya ay muujineeyso  in madaxweeyne Trumph  uu ku lug lahaa falal dambiyoodyo ficilada qaar ee ilhaan ayaa sidoo kale ka careeysiiyeey xulufada madaxweeyne Trump  oo uu sucuudiga ka mid yahay.

warbaahinta dowlada sucuudiga ayaa weerar dhanka saxaafada ah u qaaday ilahaan  cumar  maadama ay ka soo horjeesatay siyaasdaha madaxweeyne trump.

bishii December ee sanadkii tagay television-ka laga leeyahay dalka sucuudiga ee Al-caribaya ayaa waxa uu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in ilaah omar  iyo rashida oo ayaduna katisrsan aqalka congreeska in ay qeeyb ka ahaayeen isbaheeysi u dhexeeyay xisbiga dimuquraadiga ah iy kooxaha islamaiga ah ayna doonayeen in ay la wareegaan  maamulka aqalka congersska .

muuqaalkas ayaa labada siyaasi ku eedeeyey in ay  ka soo horjeedaan maadaxweeyne trump iyo siyaasadaihiisa gaar ahaan qorshayaashiisa arimaha dibada iyo  ee ku aadan cunaqateeynta israil iyo xayiraada ururka islaamiga ah ee Ikhwaanu-muslimiin iyo dhmaan ururada siyaasadeed ee islamiga ah.

waxaa kale oo jirta aragti aad u xog badan oo ah in dalalka sucuudiga, israil iyo mareykanka oo waxyaabo badan isku aragti ka ah aysan la dhacsaneyn qaabka ilhaan ay uga soo horjeedo siyaasadaha  Trump  arintaan ilhaan   ay ku dhaqaaqdayna ay fursad u siineyso in madaxweeyne Trump  cadaadis ku saaro in ilhaan cumar is casisho ama ay iskaga baxdo gudiga arimaha dibada ee congreeska maadaama arimaahs oo dhan ay taabanayaan  siyaasada arimaha dibada.

Taageerayaasha Trumph  ayaa ku baaqay in dib loo celiyo Ilhaan omar  waxaase ka sii daran markii ay soo baxeen taageerayaal fara badan  kuwaas oo taageersan ilhaan Omar

Hadaba dadka soomliyeed aya waxa ay is weeydiinayaan waxa ay ku soo kordhisay siyaasada Soomaliya gaar ahaan dadka ku nool mareykanka

ka sokoow siyaasada ay isku hayaan ilhaan omar iyo Trump   waxaa jiro taagero lixaad leh oo ay ilhaan ka heleeyso dadka muslimiinta ah  e ku nool gudha mareykanka iyo guud ahaan caalmka

inkastoo mararka qaar ilhaan cumar lagu eedeeyo laguna camabareeyo in ay taageerto dadka isku jinsiga ah ee iskutaga

Warbixitaan waxaa inii soo diyaarisay SAREEEY FM 87.5MHZ