200 oo ruux oo Iiraan ugu dhintay Coronavirus

Tirada dadka u dhintay cudurka Coronovirus ee dalka Iiraan ayaa hadda gaartay 210 sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan xarumaha caafimaad ee dalkaas.

Tiradan ayaa aad uga saraysa oo khilaafsan tirada ay dowladda dalkaas shaacisay oo ah 34 ruux.

Ilaa 388 ruux oo kale ayaa xanuunkan la il daran. Bukaanada cudurka qaba ayaa intooda badan ku sugan caasimadda Tehraan iyo Magaalada Qoom oo ahayd meeshii u horsaysay ee Iiraan gudeheeda ha ee lagu arko cabuqan.

Dhinaca kale, dawladdu waxay xirtay kalfadhigii barlamaanka Iiraan. Waxaa kale oo la xiray xarumaha kale ee ay dawladdu leedahay si looga hor tago faafka cudurkan.