Maraykanka iyo Taliban oo la filayo in ay heshiis nabadeed wada saxiixdaan

Dawladda Maraykanka iyo kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa la filayaa in ay Sabtida manta ah magaalada Doha ee dalka Qadar ku wada saxiixdaan heshiis nabadeed kadib heshiis hor dhac ah oo ay isbuucii tagay ku galeen in la hakiyo dagaalka labadan dhinac u dhexeeya.

Heshiiskan ayaa ka dambeeya wadahadallo mudo 2 sano ah ka socday dalka Qatar waxaana la filayaa in heshiiskan uu wadada u xaadho wadahadallo u dhexeeya Taliban iyo xukuumadda Afghanistan ee ay taageeraan dalalka reer galbeed.

Khubarada sida dhaw ula socda arrimaha dalka ayaa sheegaya in culayska dhabta ah uu yahay in la heshiisiiyo siyaasiyiinta Afghanistan maadaama ay Taliban mar walba sheegaan in aysan diyaar u ahayn in ay wada xaajood la sameeyaan xukuumadda uu hogaamiyo Ashraf Ghani.

Heshiiskan wuxuu marka qalinka lagu duugo so oaf jari doonaa dagaalkii u dheeraa ee uu Maraykanku galo abid kaas oo soo socday muddo 18 sano ah.