Axmed Madoobe oo qodbad Ka jeediyey shirka Madashada Macadka Hiratage, islamarkana laga dhehanyey qadobaasi boor isku qarin isaga doboolaya danbiyada uu ka galay shacabka Soomaaliyeed

Hogaamiyaha jublaand Axmed Madoobe oo qodbad ka jeediyey Madasha Macadka Heritage, kaasi oo lagu qabanayey sanadkaan Caasimada Garoowe, ayaa wali ku adkaysanay in Dowalda Soomaaliya uu sharuud kaga dhigaayo in Ciidamada Xooga dalka laga soosaaro Gobalka Gado.

Axmed Madoobe oo qobad dheer ka jeediyey Madashada ayaa ku adkaysanaya in taako uu ka dhigto in Ciidamada laga saaro Gobalkaasi, islamrkana lagu wareejiyo Maamulkiisa oo in ka badan mudo 9sano ah fadhiid ahaa, mana jirto wax hormar ah oo uu ka sameeyey mudadii uu maamulayey.

Xogaamiyahaan oo ayasan la dhacsanayn shacabka ku dhaqan Gobalka Gado, islamarkana uu san tagin Gobalkasi mudadii uu maamulayey, ayaa cadaasis ku saaraya Dowlada Soomaaliya in ay kala baxdo Ciidan keeda, si uu xoog ugu taliyo shacabka ku dhaqan maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo garab ka helaya dhigiisa Dani, ayaa isku bahaystay in ay hor istaagaan Dowladnimada Soomaaliya, islamrkana doonaya danaha Dowladaha Shisheeye, waxayna isku fakir iyo talo wadaag yihiin xubnaha Mucaaradka Dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo si toos ah Caasiamda kaga abaabulayey banaan baxyo looga soo horjeedo Dowlada, iyadoo la qaybinayo lacago laga keenay Dowlada shisheeye.

Axmed Madoobe oo aad loogu yaqaano hadalo uu ku beer laxawsanayo bulshada islamarkana uu ku daboolayo danbiyo iskugu jira dil, dhac, iyo masaafurin intaba ka gaystay Deganada jubalaand ayaa wali doonaya in uu si xoog ah ku haysto ama uu ku maamulo bulshada ku dhaqan Jubooyinka