Dowlada Kenya oo lacago badan ku soo rogtay shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Islii

Dowlada Kenya ayaa cadaadis saaraysa shacabka Somaaliyeed ku dhaqan Nayroobi gaar ahaan xafada Islii, islamarkaana canshuur kordhin ku samaysay, maadaama Xukumada Uhuura Kenyatta ay la daalaa dhacayso dhaqaalo xumo.

Xukumada Uhuura oo wajahaysa culaysyo dhaqale, islamarkana misinayadeeda hoos u dhac wayn uu ku yimid sanadkii 2020ka, ayaa doonaysa in ay ka soo kabato, iyadoo shacabka Soomaliyed ku qasbaysa in ay kordhiyaan cashuurta, si loo heelo dhaqaalihii hore.

Kenya oo si wayn ugu tiirsanayd dhiigeda Soomaaliya, islamarkana ka macaashi jirtay kumaan Doolar, ayaa sababsatay faragalin joogta iyo dil in ay iskugu darto shacabka soomaaliyed, iyo Dowladnimadooda.

Dowlada Soomaliya ayaa ku soorogtay cuna qabatayn dhanka jaadka horaantii sandkii 2020ka, islamarkana waxaa joogsaday tuubooyinkii dhaqaale ee ku socday Xukunada Uhuura, iyagoo isku dayey handaad si ay dib ugu helaan, taasi oo ugu damabyn sababtay in xirrkii Diblumaasiyaded loo jaro Kenya.

Sidoo kale waxaa saamanyn wayn ugaystay Xanuunka Covid 19, taasi oo dhabar jab kale ku noqotay Dowlada Kenya, islamrkana ay ku guul daraysatay in ay marayso.

Waxaa sidoo kale u dheer shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Kenya in musuq-maasuq lagu sameeyo Macwiinada ay bixiyaan Hay’adaha kala duwan ee arimaha gar gaarka, kuwaasi oo laga reebto inta badan waxyaabaah loogu talagalay in lagu taakuleeyo dadka ku dhaqan xeryaha qoxootiga ee dalkaasi

Si lamid ah dadka ku dhaqan Nayroobi ayaa la kulmo lacago baad ah, iyadoo la waydiinayo sharciga Kenya, shaqsiga wadan ayaa dhibato kala kulma Kenyaatiga, iyagoo handadaad u gaysta Bulsada Soomaliyeed ee ku dhaqan Islii.

Si kastaba ahaate shacbaka Soomaaliyeed ee ku dhaqan islii ayaa ka horyimid lacagaha faraha badan ee ku soo rogtay xukumada Uhuura, iydoo doonaysa in ay ka sookabato dhibaatada ku habsatay ee dhaqala la’aanta ah