Banaanbax looga soo horjeedo Axmed Madoobe oo ka dhacay Gobalka Gado

Waxaa qaybo kamid ah Gobalka Gado ka dhacay maanta banaan baxyo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Banan baxyaasha oo isgu jiray dhalin yaro hawenn iyo waxgaradka Gobalkaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay, in doorashada Soomaaliya, lagu xiro Gobalka Gado, iyadoo Axmed Madobe oo sheeganayo Maamulida Gobalkaasi.

Shacabka ku dhaqan Gobalka Gado ayaa si cad hoga horyimid sheegashada Axmed Madobe ee Gado islamarkana inta uu maamulayey Gobalkaasi ayaa waxaa ka dhacay gobood falyo, kuwaasi oo ay gaysanayeen Ciidmada Kenya.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlin waligiis dhibaatada Ciidmada Kenya ay ku hayaan shacabka ku dhaqan Gobalka, Gado, balse hataan ku doonaya dano siyaasadeed, isaga oo garab ka helaya, ciidmada Kenya.

Sidoo kale Axmed Madoobe kama fulin mashriic hormarineed, mudadii uu maamulaayey Gobalka Gedo.

Dowalda Sooomaaliya oo dhaamaan shacabka Soomaalida Masuul ka ah, ayaa Ciidamo u dirtay hiraantii sanadkii 2020ka, iyadoo laga jawaabayo baqayo kala duwan oo ka soo baxay shacanka ku dhaqan Gobalka Gado