Magalada Baladwayne oo weerer ku soo qaaday Jeneraal Xuudud oo Hogaaminaya Jabhad Hubaysan

Wararka aan ka helayno Magaalada Balad wayne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal, kaasi oo u dhexeeya Ciidamda Xooga Dalka, iyo maleeshiyo uu hogaaminayo Jeneraal abuukar Xuud.

Abuukar Xuud oo in muddo ah ku sugnaa wadamada qurbaha, islamarkana qoyskiisa ay dagan yihiin Dalka Canada, ayaa bilaabay in maleeshiyaad uu ku dhex abuuro hiiraan , kuwaasi oo ka soo hor jeeda Maamulka Hirshabeele.

Weerarka Jeneraal Xuud ayaa ka dhacay Gudaha Magaalada Baladwayne, islamarkaana ku doonayey in ay la baxaan maleeshiyaad u xiran maamulka Dagmada.

Waxaa haatan deggan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii maleeshiayadda jeneraal xuud ay isku dayeen in ay khalkhal galiyaan amniga magalada balse Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee haramacad iyo kuwa Hirshabeelle ayaa kala eryay maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Abaan Duulaha qeybta 27 aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed aya ka hadlay weerar saaka Magaalada Beledweyn ay ku soo qadeen maleshiyada Gen xuud ee fariisin ku leh Deeganka Burqaniyo ee waqooyiga Magaalada Beledweyn.

Gen Saalax ayaa sheegay in maleeshiyada Abuukar Xaaji Warsane Xuud ay gacan bir ah ku qaban doono laguna daba jiro maleeshiyadii saake weerarka ku soo qaaday Ciidamadda Dowladda Faderaalka ee fariisin ku leh Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Si kasta ha’ahaatee Jeneraal Xuud ayaa Doonaya in dhalinta Soomaaliyeed ee ku sugan Gobalka Hiiraan in uu ka hor keenno Dowlada Soomaaliya, isaga oo doonaya in uu helo dano gaar ah oo uu ka waayay dhismaha Maamulka Hirshabeelle