Madaxwaynaha Soomaaliya oo qodbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Baarlamanka Soomaaliya

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdulaahi Fsrmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Doorashada Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa ka war bixiyey Marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray heshiiskii 17kii September ee sanadii 2020kii, kaasi oo ay ka soo hor jeesteen hogaamiyaasha Jubaaland iyo Putlaand.

Madaxwayne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in heshiiskaasi uu soo xariiqday Siiciid Cabdulaahi Dani, islamarakana inta kale ay ahayeen marqaati, kuwasi oo wax go’aan ah aan ku lahayn Masiirka Dalka, waxaana xusid mudan in ay matalaan bulshada ay maamulaan.

Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaay in uu tanaasulay heshiiskaasi, islamrkana uu ku raacay si Dalka uu galo xaalad Doorasho.

Tansulka Madaxwaynaha ayaa waxaa kamid ah heshiiskii bay dhabo Sandii 2018kii, ay kula saxiixdeen maamul Gobaleedyada in dalka lagaarsiiyo doorasho qofyo iyo cod ah, islamarkana masiirka dalka dib loogu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale in uu gu baaqay Maamul Gobaleedyada shir Magalada Muqdisho horaantii Sandii 2020ka, taasi badalkeedana ay ku qabsdeen Magalada Samareeb, ee xurunta Maamulka Galmudug.

Madaxwayanaha ayaa u tanaasulay oo aday Magalda Samareeb, markii ay is hor istaag ku sameeyeen, hakasi uu ka dhacay shirkii 1 iyo 2 kaasi oo la isku fahmi wayey, iyadoo la cilaamiyey kadib shirkii samareeb3, basle aysan ka qayb galin hogaamiyaasha Jubalaand iyo Putlaand oo safaro ugu kala baxay Kenya iyo Jabuuti.

Shurkaasi samareeb 3 ayaa waxaa laga soo saaray 17qodob kuwaasi oo ay gaareen dhamaan madaxda maamul Gobaleedyada, dowladada Faderaalka Soomaaliya iyo Gobalaka Banaadir, marka laga reebo Axmed madoobe iyo Dani.

Waxay bilaabeen marmarsiyo ah in la sugi wayey si ay oga qaybgalaan shirka, waxaa la cilaamiyey shir kale oo lagu qabtay Magalada Muqdisho, islamarkana laga soo saaray 15qodob iyo habraacyada Doorasahda waxaana qortay Siicid Dani sida uu sheegay madaxwayanaha.

Ugu damabyantii Madaxwaynaha oo ka qayb galay shirkii samreeb 4 sialamrkana la shaaciyey 1da ilaa 3 feebarayo sanada 2021da ayaa qabsoomay maalin kadib, iyadoo waqtiga laga ridaayey, xukumada si dalka uu noqdo mid aan aan lahyn madax, isamarkana xubanaha Mucaaradka iyo qaar ka tursan Maamul gaobaleedyada ay rabaan in rabshado ay ka abuuraan Gudahaha Soomaaliya.

Sikastaba ahaatee Madaxdaxwaynaha ayaa ganafka ku dhuftay in Soomaaliya ay ku jirto Gacan sedexaad, islamarkana aan la rabin Soomaliya in ay lamid noqoto dadlka hormaray, waxana muuqata saamaynta Beesha Caalamka ay ku leedahay Gudaha Soomaaliya, iyo in ay Go’aamiso masiirka umada Soomaaliyeed