Beesha Caalaamka oo wado shir la iskgu keenayo Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Soomaaliya

Beesha Calaamka iyo ergayga gaarka ayaa ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa wada daadalo ay garwadeen ka tahy qaramada Midoobay, kuwaasi oo la iskugu keenayo Mamaaul Gobaleedyada, iyo Madaxda Dowaldada Sooomaliya.

Wararka aan helayno m ayaa sheegaya in beesha caalamka ay haatan ku howlan tahay sidii ay markale shir isugu keeni laheyd madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dalka, iyadoo Xusid Mudan tahay in loabda Maamul ee jublaand iyo Putlaand ay ka soo horjesteen heshiiskii 17kii Setember, kuwaasi oo la isku raacay, islamarkaana laga soo saaray jawadka Doorashada, wallow uu san shaqaeen ku dhaqamkiisa.

Labada hogaamiye Axmed madoobe iyo Siciid Dani ayaa dabada ka riixaya Beesha Caalamka, islamarkaana doonaya Dano gaar u ah, kuwaasi ay ku handadyaan Dawlada Soomaliya.
Maamulada Jublaand iyo Putlaand ayaa taako ku noqday Dowladadnimada Soomaaliya, iyagoo Madaxdii hore ee dalka sidaan caqabad ugu noqday, islamarkaana culaysyo ku saaray danaha ay watan si ay u helaan.

Dowladaha Kenya iyo Imaraadka ayaa la fahansanyahay in ay gacan saar la leeyihiin labadaan Maamul, iyagoo ka shaqayanya danaha shisheeye, islamarkaana Xambaarsan fikir kale