DFS oo sheegtay inay diyaarisay Sharciga Gaadiidka ee marista Wadooyinka

Iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa ay ka hadashay qorshayaasha wasaarada iyo howlaha sharuucda marista wadooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howl gala dalka gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho.

Caasimada ayaa waxaa ka jira ciriiri farabadan kuwaasi oo ay sababeen noocyada kala duwan ee Gaadiidka, islamarkana wadayaasha baabuurtana aysan lahayn Xirfadii wada marista.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista wadooyinka ayna diyaarisay wasaaradda sharcigii wado marista.

Inta badan shaqsiyaadka wada gaadiidka ayaan aqoon sharica iyo nidaamka wada, kuwaasi oo gaysta shiilal, islamarkana ay shacabka ku dhaqan Caasimada ay ka muujiyeen Cabasho.

Waxaa magalada ku badan gaadiidka loo yaqaano bajaaj, taasi oo ku shaqaystaan dhalinyaro, islamarkana samayn ku yeeshay caririga wada ka jira.

Talabadaan ayaa noqonaysa mid lagu hormaniyo sharica wada marista taasi oo lagu xakamaynayo jaamaka ka dhaca wada iyo shilaalka aygaysanaya Gaadiid layda ku dhaqan Caasimada