Dowalada Soomaaliya oo Qorshaynaysa in ay gudbiso Dacwad ka dhan ah Kenya

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa isaga oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxaya Voa-da mar wax laga waydiiyay Arimaha xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu kala hadli doono dowladda Mareykanka wax yaabaha ay ka tabanayaan dhigooda Kenya.

Maxamed Cabdirisaaq Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in uu qorsheynayo la kulanka xubno katirsan Golaha Amaanka, si uu ugu gudbiyo faragalinta Kenya ay ku hayso Soomaaliya, taasi oo ku sheegay in Madaxbaaninda qaranimada ay ku tahay meel ka dhacwayn.

“Waxaan aad ugu xunahay, oo aanan rabin in ay Kenya nagu wado faragelin, ha noqoto Arimaheena Siyaasadeed ama ha noqoto Xuduuda ay kusoo galaan ogolaansha la’aan, in ay Diyaaradahoodu Dalkeena iska soo galaan oo ay duqeeyaan Dad Soomaaliyeed, Xoolahooda, iyo Hantidooda” ayaa uu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Dhanka kale Wasiirka Ayaa tilmaamay in Soomaaliya ku faa’iiday jarista xiriirka Kenya in ay ku heshay dhageysiga wadamada Caalamka oo aan horay u maqli jirin dhibaato iyaga ka timaada iyo ixtiraam ay u muujiyeen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bartamihii Bishii December ee 2020 sheegtay in ay si rasmi ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay Dowladda Kenya, waxaa xusid mudan xiligaasi in ay kulmeen Madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Maamulka agooni ugoosadka Muuse Biixi Cabdi, taasi oo Dowlada Soomaaliya ay ku tilmaamtay gaf lagula kacay Madaxbanaanida Qarininmada Soomaaliya.

Talabadaan ayaa ku noqon karta Kenya Cadaadis kale oo kaga imaan Dhigeeda Soomaaliya, madadama Dowlada Soomaaliya ay shirkiiJabuuti ay hordhigtay Uruur Gobaleedka IGAD Waxyaabaha ay ka tabanayaan Kenya