Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Banaan bixii ay cilaamiyeen Xubnaha Mucaaradka

Beesha Caalamka ayaa hadal ka soo saartay Bananbaxa ay cilaamiyeen mucaraadka Dowalada Soomaaliya, islamarakna ay sheegeen in shacabka Caasimada ay ka soo baxaan guryahooda.

Beesha Caalamka aya sheegatay in ay ka walacsan tahay xalada Caasimada, taasi oo mucaaradka ay ka dhexwaadan kicinta Bulshada, iyagoo wata danohooda gaar ah.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday xubnaha Mucaaradka in ay joojiyaan foodada ay ka dhexbilabayan shacabka ku Muqdisho, iyagoo u soo jeediyey in lagu dadaalo xasiloonida Dalka.

Xubnaha Mucaaradka oo wali ka hadlin dhibaatada ka jirta Caasimada, ayaa dalab u soo jeediyey shacabka in ku banan baxaan Dowlada Soomaaliya.

Shacabka ayaa fahansan dhibaatada ay soo martay Caasimada iyo xaalada ka jirto iyadoo banabaxa ay ka dhalan karaa wax yeeleen ay soo gaaran dadka masaakinta ah ee guryahooda laga soo kicanayo.

Si kastaba ahaatee Beesha Caalmaka ayaa uga digtay Mucaaradka in ay kiciyaan bulshada, ayna tahay in laga shaqeeyo xasiloonida Caasimada iyo shacabka.