Warbhiinta Soomaalida ee madaxa banaan oo gabatay kaalintooda ku aadan qadiyada bada Soomaaliya ee muranka galisay Kenya

Tan iyo markii ay soo bilaabatay muranka ay kenya galisay badda soomaaliya waxaa si Indho la’aan ah u garab taagnaa warbaahinta kenyaanka ah,iyaga oo xoggo aan sugneyn u gudbinaya shacabka si aan loo ogaan fashilka kenya ay caalamka kala kuntay taas oo ah muranka ay galisay qeyb ka mida badda soomaaliya ee dacwadeedu ay ka furan tahay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Madaxda kenya ayaa mar kaste adeegsada warbaahinta si aysan shacabka ugu kicin nidaamka, waxaana warbaahinta kenyaanka ay buun-buunisaa wararka iyo macluumaadka ay u baahantay dowladda Kenya in ay u gudbiso shacabka, balse taa cagsigeedda warbaahinta soomaalida ayaa si toos ah ugu xiran warbaahinta Kenya iyaga oo mar kaste soo qaata macluumaadka ay baahiyaan weliba sida ay warbaahinta Kenya u qortay ama u baahisay.

Tani waxa ay suurtagalisa in fariin kaste oo kenya ay shacabkeeeda kula hadleyso ay warbaahinta soomaalida soo qaataan ayna sii baahiyaan.

Warbaahinta kenya marnaba ma xigtaan,mana qaataan wararka iyo macluumaadka ay baahiyaan warbaahinta soomaalida ee la xiriira khilaafka dibloomasiyadeed, iyo kan badda ee ka dhexeeya soomaaliya iyo kenya.

Warbaahinta madaxa banaan ee dalkeena Soomaaliya ka howlgasha ayaa u furan qaab ganacsi taas oo aysan u eegeyn garab istaagga qaranimadda iyo difaaca qadiyadaha lama taabtaanka ah ee badda,dhul, iyo hawo, waxaana kaliya ay fiiriyaan dantooda.

Maadaama warbaahintu ay tahay isha ugu sugan ee shacabku ka sugaan macluumaadka,haddana warbaahinta madaxa banaan ee qaabka ganacsiga u furan waxay lumiyeen kaalintoodii aheyd difaaca qaranimadda iyaga oo taas bedelkeed shacabka soomaaliyeed soo gaarsiiya fariimaha been abuurka ah ee ay baahiyaan warbaahinta kenya taas oo ku tusineysa sida ay dowladda kenya u jahwareerineyso shacabkeeda.

Inta badan warbahinta Gaarka loo leyahay iyo shaqsiyaad ku leh Akoono beerta yutubka iyo Sidoo Facebooka, ayaa baahiya war aan u wanaagsanayn hormarka dalka iyo in lasamatabixiyo duruufaha ay ladaala dhacayso Soomaaliya.

Waxana hubaal ah hadii warbaahinta ay ka shuqayso danaha shacabka dalka iyo diinta in ay wax iska badli lahaayeen Soomaaliya