Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Dowlada Imaaraadka Carabta ee ku aadana in Dowlada Soomaaliya ay u aqoonsantahay dowlad KMG ah

Cismaan Abuukar Dubbe wasiirka wasarada warfaafinta xukuumada fadaralka soomaaliya oo maanta shirjara’id ku qabtay magalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa si adag uga hadlay warqad dhowaan ka soo baxday dowlada imaaraadka carabta taasi oo dowlad kmg ah ugu yertay dowlada soomaaliyeed ee sharciga ah .
wasiirka ayaa tilmaamay in warqadahaasi ay ku dhex jirtay warqad ka timid Imaaraadka oo midab kale laheyd, islamarkaana Soomaaliya u ekeysiineyso dal madow.
Dhinaca kale Wasiir Dubbe ayaa sheegay in labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog kuna dhisan saaxibtinimo iyo walaalnimo, balse wasiirka ayaa carbaabay in haatan madaxda imaaraadka, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibten inay dhaawacaan iskaashiga & xiriirka labada dowladood.
Ugu dambeyn Cismaan Abuukar Dubbe wasiirka wasarada warfaafinta xukuumada fadaralka soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka carabta isagoona ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-gelin buuxda ay ka bixiso warqadaasi gefka uu geystay qaranimada & jiritaanka umada Soomaaliyeed.
Dowadaha Imaaraatka iyo Kenya ayaa umuuqda kuwa saameyn buuxda ku leh arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan maamul qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka islamarkaana aan ka hadlin xadgudubyada ka dhanka ah ee dowlada soomaaliya balse taasi bedeljeeda ay had iyo jeer dhaleeceeyaan dowlad curdanka ah ee Soomaaliya