Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaalada Soomaaliya Gaar ahaan Doorshada Soomaaliya

Xubnaha beesha caalamka ayaa ku baaqay in doorosho la isla ogol yahay ay dalka ka dhacdo.

Beesha calaamka ayaa bogaadisay shirkii ka dhacay Magalasa Smareeb Ee xarunta maamulka Galamudug, islamarkana ku amaan tahay Dowlada Soomaaliya, dadaalada ay ku bixinayso sidii dalka oga dhici lahyd Doorasho, heshiis lagu yahay.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Samareeb1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa, Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweyne farmaajo ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Samareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.

Shirkani ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey ee ay yeelayaan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo madaxda faderaalka iyo, iyadoo Dani iyo Axmed Madoobe ay ka lumiyeen waqti badan oo xal looga gaari karay arrimaha dooroshooyinka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayey u xayiran tahay Qabashada Doorasho heshiis lagu yahay