Ganacsatada qaadka Kenya oo ka hadashay xaalada Soomaaliya, islamarkana soo jeediyey in isbadal uu ka dhaco Soomaliya si ay ugu helaan qaadkooda Suuqa

Iyadoo la joojiyey qaadka ka imaanayey Kenya, islamrkana uu xumaaday Xiirkii Diblomaasiyeed Ee Soomaaliya, iyo Kenya, ayaa shacabka ku dhaqan Magalada miirow ee Dalka Kenya, waxay si dhow ola Soocdaan Xalaada Soomaaliya.

Shacabka Kenyaanka ee ka ganacsada qaadka, ayaa doonaya in is badal uu ka dhaco Soomaaliya, si ay suuq ugu helaan Qaadkii ka imaan jiray Kenya
.
Shacabkaan oo ka cabanaya suuq xumida haysata qaadkooda, islamarkana qaasara Maaliiyin Doorlar, ayaa hadana rajo kale in dhaqaalo badan ay ka sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkana ay dhaqaalahaasi ay u adeegsadaan burburinta Dowladnimada Soomaaliya.

Kenya waxay kamid tahay Dadalalka sida wayn oga Faa’iidaystay dhaqaalaha Soomaaliya, burburkii kadib, iyadoo maalintii loo soo dhoofinayey 50tan oo qaad ah, balse Dowladada Soomaaliya, ayaa joojisay qaadka Kenya,islamarkana wuxuu saamayn ku yeeshay joojitankaasi Ganacsatada qaadka ee Kenya, waxana ka dhaalatay xaalad dhaaqo xumo

Waxay wali rajo kaleeyihin in ay dib u helaan dhaqaalihii faraha badanaa ee kasoo gali jiray Soomaaliya, iyagoo dalabanaya in isbadal uu ka dhaco Soomaaliya, si ay ula macaamilaan Madaxda imaan doonta, ayana u helaan dhaqaalihii u soo xaroon jiray.

Dowlada Kenya ayaa Doonaysa in madax jilicsan ay hogaamiso Soomaaliya, si ay u fushato daneheeda gaar ah ee ku aadan Soomaaliya, sida Muranka Bada, qaybo kamid ah Dhulka, iyo in ay aqoonsi siiso Mamaulka Goono u goosadka.

Dowlada Soomaaliya ayaa cadaadis saartay Kenya, iyadoo meesha ka saartay saamaynti ay ku laheed Gudaha Dalka, balse waxay iska soo hormarisay Madax fikirkeeda Xambaarsan, oo ka taliya qaar katirsan Maamul Gobaleeyada, iyo siyaasiin mug ku leh Saaxada Soomaaliya