Cadowtanimada Kenya ay Somalida u hayso oo sii xoogaystay.

epa03891049 Kenyan President Uhuru Kenyatta attends an inter-faith prayers ceremony held for the victims of the Westgate shopping mall terrorist attack in Nairobi, Kenya, 01 October 2013. Kenyatta vowed that the military will continue its operations in Somalia. EPA/DAI KUROKAWA

NAIROBI, KENYE – (Sareeye) Kenya ayaa ku dhawaaqday in diyaaradaha Somaliya kayimaada una socda Kenya lagu hakiyo Wajeer. Sababta keentay go’aankaan ayaa ah in Kenya ay ka quusatay in ay Dowlada Somaliya la gasho heeshiis hoose oo ah muranka bada Somaliya.

Dulimaadka tooska ah Muqdisho iyo Nairobi ayaa qaata mudo halsaac iyo bar. Go’aankaan hakiska diyaaradaha Somalia ka yimaada ayaa wakhtiga safarka dheereen doona. Wakhtiga lagu tago ayaa noqon doona in ka badan sadex saac iyo bar.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xiriirkoodii kala fogaaday, kadib markii Somalia ku adkaysatay inayn dacwada bada ka tanaasulayn.

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa somaliya ugu hanjabay inay Somaliya dagaal dhaqaale, mid siyaasad iyo mid xoogba la gali doonto. Handadaan wuxuu William Ruto gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo, Mar uu booqasho shaqo ku joogay dalka Uganda.