Wasiiro Ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo badilay passaporka Soomaaliya

Wasiiro Ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Meel ka dhac weyn ku sameeyay Passporka Soomaaliya .

Warar kala duwan oo aan caawa ka heleyno kenya ayaa sheegaya in Wasiiro ay ka mid yihiin, wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Dalka jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirka Caafimaadka Ee Xukuumadda Soomaaliya ay wadanka kenya ku galeen Passaporo ajaanib ah ka mid markii Kenya ay u diiday Ineey Visaha Ku dhufato Passporada Service ka iyo Kan diplomatic oo ay Wasiiraddasi Wateen

Wararka ayaa sheegaya in Wasiir Jamaal markii loo diiday in passaporka Soomaaliga ah uu ku galo Dalka kenya uu lasoo baxay Paaspor kale oo Hollandes ah maadama Wasiirku uu ka yimid Dalka Holand oo dhalasho ka wato

Sidoo kale Wasiiradda Caafimaadka ayaa ayaduna Markii loo diiday in passporka Soomaaliya ku gasho kenya ayaduna lasoo baxday passapor ay ka waday Dalka talyaaniga

Arintaan ayaa ah fadeexad Cusub oo ay wajahaan Labaas Maadama ay Dad matalayaan Qaranimadda Soomaaliyeed waxey aheyd ineey Dalka ku soo laabtaan .

Sidoo kale wararka horu dhac oo ay heshay sareeye Fm ayaa sheegay in garoonka Diyaaradaha ee Kenya ay caawa ku hayanayaan Madax ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib markii kenya ay ka diiday masuuliyiinyaasi in Dalkooda ay ku galaan passaporada Diplomatic iyo Service oo ay wateen .

Wixii ku soo kordha halkaan kala Soco