Garoowe: Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ku kala dareeri raba shirka

GAROWE, SOMALIA – SAREEYE. Maanta ayaa maalintii shanaad ee shirka garoowe socdo. Shirkaas ayaa maamul goboleedyada dalka codsanayaan in Gole lasameeyo. Golahaas ay xubin ka yihiin Dowlada federalka iyo Maamul Goboleedyada.

Golahaas ayaa masuul ka noqondoona masiirka dalka sida siyaasada arimaha dibada, dhaqaalaha, difaaca iyo xuduudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa soo jeedintaas u arkay mid qaranimada iyo jiritaanka dowladnimada Somaliya lagu wiiqayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeedintaas gaashaanka ku dhuftay.

Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Kenya ayaa xiriir siyaasadeed la leh Maamul Goboleedyada Jubaland, Puntland, iyo Galmudug.