Ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe iyo Uhuura Kenyatta oo weeray Magalada Balad Xaawo ee Gobalka Gado

Waxaa xalay saqdii dhexe weerer gaadma ah ku soo qaaday Dagmada Baladxaawo ee Gobalka Gado, Ciidama uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan, kaasi oo mudoouinkii dambe ku sugnaa Magalada Mandheera ee waqooyiga Gobalka Kenya.

Cabdrashiid Janan oo baxsad ka ah laamaha amaanka Ee Dowlada Faderaaalka Soomaaliya, ayaa qaab dhuumaalaysi ah ku jooga Kenya, isamarkana hogaanka u haya Ciidamo Kenya ay ku tababarto Magaaldada Mandheera, kuwaasi oo ka amar qaata Xukumada Uhuura Kenytta.

Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in xala uu dagaal ka dhacay Magalada Baladxaawo, islamarkana uu soo weeray Cabdrashiid Janan, oo ka amarqaata Axmed Madoobe, iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowlada Soomalaiya ayaa horey Kenya ugu eedaysay in falal lidi ku ah qarimada iyo madaxbaanida Jamhuuriyada Soomaaliya laga soo abaabulo Gudaha Kenya, islamarkana tani ayaa noqon karta talaabo kale oo bar madow ku noqon karta Xukuma Uhuura Kenyatta