Ciidmada Maamulka Gooni ugoosadka Soomaalind oo ku xiray wariyaal Magalada Booram

Maamulka Gooni u goosadka Soomaalind ayaa xiray qaar ka tirsan wariyaasha ka howl gala, kuwaasi oo faafiyey in Gudoomiyaha Boorame lagu helay Musuq_maasuq, kadib markii uu tagag magalada Jabuuti.

Wariyaasha laxiray ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa iyo Afar wariye, kuwaasi oo Ciidmada Maamulkaasi ay ku xireen Magalada Boorame.

Maamulka Gooni u goosadka Soomaalind ayaa inta badan Wariyaashu kala kulmaan Caburin joogta, islamarkana kasoo baxsada Maamulkaasi, iyagoo doonaya in xaqiiqda ay la wadaagaan Bulshada ku dhaqan Gobalkaasi.

Tiro badan oo wariyaal ah ayaa kala kulamay handaad joogta ah, maamulka Gooni u goosadka Soomaalind, kuwaasi oo hada qaar kood ay kusagan yihiin Caasimada Muqdisho.

Xarigaan wariyasha ayaa ahayn kii ugu horeeyey ee loo gaysto dhalin yarada ka howgasha Maamulka Gooni u ogoosadka, oo inta badan u gudbiya tacadiyada ay ku hayaan Bushada