Qabashada Doorashada aqalka Sare oo Maanta ku beegnaa, islamarkaana ay u baaqatay Maamulada Jubland Jubalaand

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 14 Janaayo ayay ku egtahay muddadii doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, islamrkaana ay ahyd in la qabto Doorasho.

Guddiga doorashooyinka ayaa 29-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 waxaa ay shaaciyeen in tartanka kuraasta Aqalka Sare la qabto inta u dhaxeysa 7-14 Janaayo, hayeeshee aan weli dhaqan-gelin, islaamrkaan ay ka kaga jiidayaan Maamulada Jublaand iyo Putlaand.

Dowlada Soomaaliya yaa horey u shaacisay in formamka codsiga doorashada u dirtay Dhamaan Maamul Gobaeedyada, si loo qabto Doorashada Aqalka Sar, loona ambaaqado Howlaha doorashada.

Maamulada Jubaalnd iyo putlaand ayaa si toos ah ugu soo horjeestay Doorashada Soomaliya, islaamrkana isku bahaysytay in ay qabad ku noqdaan Geedi socodka hanaanka Doorashada Soomaliya.

Axmed Madoobe oo aad ugu dhaw Kenya ayaa dalabaday in Ciidadmada Xooga Dalka laga soo saaro Gobalka gado, islamrkana doonaya in Gacantiisa lagu soo wareejo, isu uu u soosaaro Xildhibaano ka amarqaato Xukumada Uhuuraha Kenytta.

Dowlada Soomaliya ayaa dhowr jeer u tanaasushay qaar ka tirsan Maamul Gobaleedyada, islamarkaana soo jeedisay in lagu dagalo Doorashada, si dalka uusan u galin qalalse siyaadeed.

Dhaamaan shacabka Soomaaliyeed inta wax garadka ayaa indha ku haya wax yaabaha ay maleegayaan Maamulada Jubaalnd iyo Putlaand oo ku fashilmay in ay taagero ka helaan deeganada ay maamulayaan.

Jawadalkaan ayaa noqnaya kii laabd oo la soo saaro, islamarkana lagu dhaqmi waayo, iyadoo ay iska indha tirayaan labada maamul ee jubalaand iyo Putlaand oo noqday kuwa u adeega Dowladaha shisheeye, waxayna rabaan in Soomaaliya aya soo kala dhexgalaan Gacmo shisheeey, kuwaasi oo doonaya in xal u raadinaya waxyaabaha ay tabanmayaan.

Si kastaba ahaatee dhaqan galinta iyo in laguda galo doorashada ayaa waxaa diiday labada Maamul ee jublaand iyo Putlaand kuwaasi oo burburiyey Heshiiskii 17kii Semtembar, kaasi oo lagu galay Magalada Muqdisho.