Dad shacab ah oo lagu dilay Gobal ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

21 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Ronzur ee dhaca bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo,kadib kolkii kooxo hubeysan oo ka soo jeeda dalka Uganda ay weerareen dad rayid ah.

Guddoomiyaha gobolkaas ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen toban haween ah, waxaana dhaawac soo gaaray 12 kale oo haween ah.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, waxaa ka dhaca weerarada ay geystaan kooxaha hubeysan, waxaana ku dhintay kumanaan qof oo rayid ah tan iyo 2014-ki