Deeganada Putlaand markale laga diiday lacagta Shillin Soomaaliga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta markale suuqayda Magaaladaas laga diiday isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga.

Ganacsada ayaa qaarkood waxaa ay ku sheegeen sababta ay u diideen isticmaalka lacagta in Bankiga Puntland uu diiday Sarrifka iyo socod-siinta Shilinka Soomaaliga taas oo iyaga saameyn weyn ku yeelatay.

Inta badan Xarumaha Ganaciga Suuqa Magaalada Garoowe iyo Dukaamada ku yaalla Xaafadaha ayaa Maanta aan lag isticmaaleyn lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo wax lagu kaal iibsanayao Lacagta Dollarka.

Dadka danyarta ah ee ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay saameyn ballaaran ku yeelatay diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga, iyaga oo sheegay in aysan wax ku iibsn Karin lacagta dolarka.

Maamulka Putlaand ee uu hogaaminayo Siciid Dani ayey ku soo noqnotay wax ka qabasha la’aanta Sicirbaarka ka jira, islamarkana dhibaato ay kala kulmayaan Shacabka dan yarta ah, iyadoo ay jirto halis ka dhalan karta, diidmada iyo socosiinta la’aanta Lacagaha Shilin Soomaliga.

Bishii anyu soo dhaafnay ee sanadii 2020ka ayey markii qaar ka tirsan shacabka Soomaliyeed Gaar ahaan Putlaand ay u dhinteen Gaajo, islamrkana ay haysteen Lacagta shilin Soomaliga ah.

Siciid dani ayaa dhaliilsanaya, islamrakan aan doonayn in uu wax ka qabto, dhibatada ka jirta deeganada Putlaand.