Kulomo u dheexeya qaar ka tirsan Madaxda Maamul Gobaleedyada Iyo Madaxwanha Soomaliya oo ka dhacay Magaalda Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo xal raadin ah oo saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta Gobolka Gedo, iyadoo Madaxwaynha Mamaulka Galmudug uu wado dadaalo lagu xalinaayo khilaafka ka dhex aloolsan Maamulada Jublaand, Putlaand iyo Dowladada Faderaalka Soomaaliya.

17kii Sebtember ayaa heshiis lagu garaay Magalada Muqdisho, islamarkaana, la isla qaatay in la soo saaro jadwalka Doorashada Soomaaliya.

Intaasi kadib Madaxwaynah Putlaand ayaa maalin kadib heshiiskaasi safar aan la shaacin ku tagay Magalada Nayroobi ee xarubta Kenya, iyadoo halkaasi uu kulamo kula qaatay madax ka tirsan Kenya.

Sidoo kale Siciid Dani oo ku sugnaa maaal un Nayroobi ayaa kasii aday Abuu-dubay, halkaasi oo uu Madax kala duwan oo ka tisan Imaraadka uu kalamo gooni gooni ah kula qaatay.

Dani oo shaacin Safaradaasi ayaa keenay khilaaf, islamarkaana diiday in uu soo Magacaabo Gudiga Doorashada, isaga oo sharuud ka dhigtay in laga soo saaro Ciidamda Xooga Dalka Gobalka Gado, isagoo Garab ka helaya dhigiisa Axmed Madoobe, oo la shaqeeya Kenya, islamrkaana doonay in Maamulka Jublaand hoos geeyo Kenaya.

warar hoose oo sareeye heshay ayaa tibaaxaya in Maalmaha Soo socda ay mamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele ay ka bilaaban doonaan qabashada Mushariixinta, si dalka uu galo Xaalad Doorasho.

Dhinaca kale heshiis uu wado Madaxwayne Qoor Qoor ayaa socda iyadoo wararka qaar ay sheegayan in Madaxwayne Farmaajo uu u tanaasulayo Maamulada Jublaand iyo Putlaand, kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan in ay caqabad ay ku yihiin Dowladnimada Soomaaliyeed