Ray’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay dadaalkii uu ku bixiyay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee ay qabeen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”

Rooble ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in horey loo sii socdo, islamarkaana la xoojiyo dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxda Dowalda ayaa horey u shaacisay in Doorashada ay waqtigeeda ay ku dhacayso islamrkana aysan doonayn Mudo kordhin, balse waxaa qabad ku noqday in la gudu galo dooradshada Maamulada Jublaand iyo Putlaand, kuwaasi oo la safan Mucaaadka Dowlada.

Tani ayaa ka dhigan in aan loo joojin doonin Hogaamiyaasha Jublaand iyo Putlaand kuwaasi oo wali soo Magacaabin Gudiga doorasahda, iyagoo ku xiray sharuud ah in laga soo saaro Ciidamda Xooga dalka Gobalka Gado.

Si kastaba ha’ahaate Dowlada Soomalaiya ayaa ka Go’an in Doorashada waqtigeeda lagu qabto, si dalka uusan u galin qalalaase-siyaadadeed.