DF-Somalia oo Ciidamo Diyaarad uga Dejisay Dhuusa-mareeb

 Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa maanta soo gaadhay   diyaarad sida ciidan ka tirsan Booliska gaarka ah ee Soomaaliya,  iyadoo ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida amniga magaalada iyo shirka dhowaan dhici doona.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa saaka aroortii diyaarado looga soo qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waana ciidamadii u horeysay oo ka dega Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan la geynayo xarumaha ay dhowaan la wareegtay dowladda Federaalka sida xarunta Shiirkole ee loo qorsheeyay in la dejiyo ergooyinka ka qeyb galaya shirka, Xarunta madaxtooyada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socday   Diyaar garowgiii ugu dambeeyay ee Shirka La isugu keenayo Bulshada Galmudug.