Diyaaradaha Kenya oo Duqaymo ka gaystay mid ka ah Degmooyinka Gobalka Gado

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay gobolkaasi ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya, iyada oo haatan laga helayo faah faahinodheeraad ah.

Duqayntaas ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Raaso Ugaas oo ka tirsan Gobalka Gado, waxaana ka soo baxaya qasaaro isgu jiro dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed.

Sidoo kale duqaynta Diyaaradaha Kenya ayaa sababay in isgaarsiinta aysan ka shaqaynayn degaankaasi, islamaekana ay jiraan war hor dhac ah laga heelaayo degaanka Raaso Ugaas, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Dad shacab ah.

Dowlada Soomaaliya ayaanan heysan ciidanka difaaca cirka iyo hubka lidka diyaaradaha, diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye 1991 gii.

Barisamaadkii Dowladii Soomaaliya ee kacaanka hogaaminayay ayaa laheyd cudud ciidan oo aad uqalabaysan lehna tababar iyo agab dhameystiran dhankasta, dowladaha deriska sida Itoobiya iyo Yugaandha ayaa gacanta ku dhigay diyaaradihii difaaca cirka sida Miig 21 Miig 29 iyo Elakabtaro iyagoo u isticmaalay Dayactir ama waxa loo yaqaano Spare Parts

Weerarkani ayaa kusoo aadaya iyada oo Muqdisho ay kusiganyihiin wafdigii xaqiiqa raadinta ahaa ee ka socday urur goboleedka IGAD.

Keny ayaa dooneysa in ay abuurto xasarado iyo xiisad xambarsan dhiilo colaadeed, si ay doorashada dalka ka dhaceysa bilaha ina soo aadan ugu furto jahwareer iyo dib udhac, sidoo kale Kenya ayaa ku howlan in ay ku lugyeelatay arimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka, taa badalkeed dowlada Soomaaliya ayaa ah mid ka biya diidan damaca Kenya