Mid kamid ah Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe, islamarkaana ay tabar Siinayeen Ciidamada Kenya oo isku djiibay Dowladad Soomaliya

Mid kamid ah Ciidamada Axmed Madoobe oo ka soo goostay ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Kenya, ay tabar ku siinaysay sidii ay u weerari lahayeen Ciidamda Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Aadan Xuseen Xasan oo ka mid ahaa Meleeshiyaad Ay Dowlada Kenya ku tababaraysay Magalada Mandheera ayaa sheegay in ay u cuntami waysay in uu dagaal kala soo horjeesto Ciidamada Soomaaliya, islamarkana ay tahay wax laga xumaado in shisheeye ay kuu soo adeegsadaa dalkaaga Hooyo, waana mida uu kaga soo goostay isaga oo sita qorigiisa.

Aadan ayaa intaasi ku daray in Malishiyaadka uu ka tirsaana laga soo aruuriyey Deeganada uu xukumo Axmed Madoobe, tabarna lagu siinayey Mandheera, islamarkana qarashaadka ama mushaaraadka ay bixinaysay Dowladada Kenya, si ay ula dagaalamana Ciidmada Soomaaliya ee ku sugan Xuduud beenaadka Kenya.

Axmed Madoobe iyo qaar katirsan Maaulka Gacan ku rimiska ah ee kismaayo, ayaa ku howlan sidii ay Gacanta ugu galin lahaayeen Jubaaland Xukumada Kenya, iyagoo raadinaya danahooda gaar ah.

Sidoo kale Axmed Madoobe oo diidan in dalka ay ka dhacdo Doorasho, ayaa doonaya in Gacanta uu ku dhogo Gobalka Gado, uu san tagin in kadab 10sano oo uu Xukumayey Maamulka Jublaand.

Dhinaca kale Dowlada Kenya oo Garab ka helaysa Axmed Madoobe iyo Masuuliyiin xilal sare ka soo qabtay Dalka ayaa Doonaysaa in gacanta ku dhigto dhul dheeraad ah, iyo bada Soomaaliya.

Hadallka Aadan Xuseen Xasan ayaa ku soo adaaya iyadoo Axmed Madoobe uu wali Doonayo in si qasab ah uu kumaamulo Shacabka Ku dhaqan Gabalka Gado