Wafdi ka socday Uruur Gobaleedka IGAD oo Soo gaaray Magalada Muqdisho, islamarkana loo xilsaaray sidii tabashooyinka labada dhicana ee Soomaaliya iyo Kenya xal wara loga gaari lahaa

Waxaa shalay Muqdisho soo gaaray guddi ka socda urur goboleedka IGAD, Guddigan oo ah guddiga loo xilsaaray xaqiiqa raadinta xaaladaha ka jira xuduuda Kenya iyo Soomaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa qaabilay Wafdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD, waxaana wafdigan horay u booqdeen degmada Mandheera.

Wafigaan ka socda Uruur Gobaleedka IGAD ayaa u jeedkooda yahay xog uruurin iyo baaritaan in ay ku sameeyaan arimaha labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya, maadama Dowlada Soomaaliya ay ku eedaysay Kenya in ay Faragalin Qaawan ku hayso Qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 waxay xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhuftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, islamarkana dowlada Soomaliya ay cadiis ku saarayso in Kenya ay joojiso Xadgudyada ka dhanka ah ee Soomaaliya.

21-kii December, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee tegay Jabuuti, halkaasi oo IGAD ay ku wada-hadalsiisay madaxda labada dal, ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda Kenya.

Sidoo kale waxaa Maanta la filaayaa in wafdi ka socda Kenya ay soogaaran Magalada Muqdisho kuwaasi oo qayb ka ah dadaalada lagu heshiisanayo ama la isgu soo dhawaynayo Kenya Soomaaliya.

Tani ayaa muujineysa miisaanka dowlada Soomaaliya ay leedahay iyo ka dhiidhinta faragalinta shisheeyaha, waxayna kusoo aadeysa kadib go’aanada dowlada Soomaaliya ee dhanka arimaha dibada is badal lagu sameeyay.

Dadka fallanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay in ay meesha ka baxday in Soomaaliya sidii la doono laga yeesho, waxay kaloo intaasi ku dareen in hadda ay IGAD ku howlantahay wax ka qabashada tabashooyinka dowlada Soomaaliya halkii marka hore ay ahaayeen kuwa isaga mashquulsan howla kale oo ka dhan ah arimaha gudaha dowlada Soomaaliya