Dowada Kenya oo shaaca ka qaaday in la qabto qabashada dhagaysiga biyaha Soomaaliya ee ay muranka galisay

Dowlada Kenya ayaa Go’aan ka soo saartay dhagaysiga bada Soomaaliya ay Muranka galisay, islamarkana sheegatay in ay diyaar u tahay in laqab to Doodaha ku aadan Dawcda Bada.

Kenya oo doonaysay in dib loo dhigo kiiska bada ayaa cadaysay in ay diyaar u tahay qabshada Dacwada bada.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay iney diyaar u yahiin ka qeyb galka dhageysiga dacwadda, islamarkaana aysan go’aanka Maxkamada uu yahay in la qabto doodaha ku aadan labada dhinac

Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-ka Maarso, iyadoo socon doonta ilaa 19-ka Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, kadib isku day ay sameysay Kenya, kaasi oo ku doonaysay in markii shanaad la mudeeyo.

“Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii.

Balse Kenya wali waxaa ka muuqata in ay ku mararsiyoonayaan Xanuunka Covid19, islamrkana ay soo jeedinayaan eedaymo ku aadan in uu samayn ku yeelan karo kiiska bada Xanuunka Coronavirus, islamarkana Maxkamadu ay ku adkaysatay in laqabto dacwada bada.

Dowlada Soomaaliya ayaa marna rabib in kiisa bada Kenya gadaal u dhigto, islamarkana ay qasab tahay in la qabto dacwada.

Dowlada Soomaliya oo culaysyo ay saaran yihiin ayaa ka war haysa dhibatada Kenya ay ka smaanayso Gudaha Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa qaar ka tirsan Xubnaha Mucaaradka Dowlada Soomaaliya, islamrkana Doonaya in ay ugu kaalmeyaan Kenya sidii ay ku qaadan lahayd biyaha Soomaaliya.

Xubanaha mucaraadka oo xabaarsan fikirka Dowlada Kenya ayaa culays iyo cadaadis ku haaya Dowlada Soomaaliya, iyagoo si toos ah oga soo horjeestay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkana raba in ay rabashado ka abuuraan gudaha Caasimada Ka hor inta aan lagariin 15ka maarso.

Si kastaba ahaatee biyaha bada Kenya ay muranka galisay ayaa waxaa iskaleh shacabka Soomaaliyeed, islamarkana aysan jirin qof gooni isaga u sheegan karo, balse ay tahay wax dan guud ah oo ay wada leeyihiin, umada Soomaaliyeed.

Kenya shacabka , siyaasiinteeda iyo Dowladooda waxay ka siman yihiin sidii ay u qaadan lahaayeen Biyaha Soomaaliya.

Halka Soomaalida siyaasiimteeda ay garab iyo kaamlo ku sinayaan in ay qadato biyaha Soomaaliya, Kenya

Axmed Madoobe ayaa qayb ka ah fudaynta biyaha In gacanta loo gasho kenya, islamarkana aan ka hadlin dhibata kenya, balse ay u muuqato Gobalka Gado, si uu siiyo Kenya degaanada Jublaand, oo ay hada sheegaysnayso.

Sidoo kale siciid Dani ayaa si lamid ah doonaya in saxiibkii Amxed Madoobe uu ku garab istaago in dalka ka dhacdo qala-laase siyaadeed, kaasi oo lamicna ah in ay tusaan aduunka in Soomaaliya aysan lahyn wax kala damabys ah.