Swan oo wada qorsho lagu hoosgeenayo Soomaaliya Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Itobiya, Djabuuti iyo Ugaandha

Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)

Ergiga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada midoobay Soomaaliya James Sawan ayaa talooyin ku aadan Ariamha Soomaaliya Gaar ahaan Doorashada la qaatay wasiirada Arimaha Dibada Dalka kala ah Kenya Itoobiya, Djabiuti, iyo ugaandha.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya uu xidhiidh la sameeyay Waddamada Kenya, Ethiopia, Jabbuuti iyo Uganda si uu wax uga waydiiyo aragtidooda Doorashada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi:

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah”.

Talabadan James Iswan ayaa u muuqata mid qarannimada Soomaaliya lagu wiiqayo, maadama uu xalda Soomaaliya uu kala tashanaayo wadamo shisheeye.

Swan Ayaa taageersan Axmed Madoobe iyo Deni. Wuxuuna si aan gabasho lahayn uga soo horjeedaa hanaanka doorasho ee ka dhici lahayd Somalia 2021.

Ergeyga Qaramada Midowday ayaa hada raadinaya in qaranimada Somalia uu ku celiyo burbur iyo Kumeelgaarnimo. Wuxuu raadinaya inuu mideeyo dowladaha derisk la ah Somalia si ay uga soo horjeestaan qaranka iyo dowladnimada Somalia

Dadka falaqeeya Siyaada Soomaaliya ayaa ku tilamaamay arintaan uu ku dhaqaaqay Jemes, swan mid aad looga xumaado, taasi oo uu ku waydiisanayo, in Masiirka Soomaaliya uu kala tashto shaqsiyaad ka baxsan Soomaalida.

Swan oo xirrir dhow la leh qaar ka tirsan Maamul Gobaleedyada ayaa doonaya in talada dalka uu gacanta u gasho dowladaha Dariska, iyadoo xusid mudan tahay in Maamul jubaland iyo Putlaand is hor istaag ku sameeyeen Doorashada Soomaaliya.

Labadan Maamul ayaa doonaya in talada dalka laga baxsho Soomaalida, islamrkana ay ku ga’aamiyaan Swan iyo xulufadiisa.

Balse Dowlada Soomaaliya ayaa diidan in gacmo shisheeye ay soo kala dhjexgalan Masiirka shacbaka Soomaaliyeed, islamrkana ay lagama maarmaan tahay in heeshiis ay ka Soomaalida garaan Arimaha Doorashada