Dowlada Imaraadka oo sheegtay in Soomaaliya u aqoonsan tahay Dowlada ku MeelGaar ah

Dowlada Imaraadka Carabta ayaa sheegtay in Dowlada Soomaaliya, ay u aqoonsatay Dowalad kumeel gaar ah.

Imaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo ay soo sareen waxay ku sheegeen, in Dowlada Soomaaliya ay u tahay dhankooda ku meel gaar, iyadoo xusid Mudantahay Imaraadka Carabta in uu ka waayey danihiisa gaarka ah Dowlada Soomaaliya.

Xukumada Abuu-dubay oo samaayn ku leh Mucaraadka ayaa sheegtay in rabshadihii ka dhacay Caasimada ay aad kaga xuntahay, taasi oo u muuqato mid ay iyado ka damabysay.

Xubnaha Mucaaraadka ayaa ka damacsanaa banaan bixii ay ku dhaqeen mid lagu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya, iyadoo Dalalka Cadawga ku ah Soomaaliya, lagu raali galinayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa Dalka ka cayrisay, imarasdka sanadii 2018ka, iyadoo Dalka soo galisay lacagu lagu duminaayo Dowlada Soomaaliya.

Intaasi waxii ka damabeyey Imaraadka wuxuu xooga saaray sidii uu u hagar daamayn lahaa Dowladnimada curadanka ah ee Soomaaliya, islamarkana wuxuu xiriir la samaystay qaar ka tirsan Maamul gobaleedyada Jublaand, Putlaand iyo Maamulka gooni goosadka, oo horey xirir qoto dheer uu la lahaa, wuxuu si sharci darro ah ku maamulaa dakadaha Soomaaliya gaar ahaan Boosaaso iyo Barbara.

Dowladdo shisheeye ayaa aad u daneynaya in soomaaliya ay gasho qalalaaso,iyo fowdo,waxaana dowladahaas ka mid ah kenya iyo imaaraarka.

Labadan dal ayaan marnaba dooneyn in deganaanshaha soomaaliya, waxayna hadda fursad u arkaan in colaad dib loogu celiyo soomaaliya.

Imaaraatka ayaa sheegay in Dowlad kumeelgaar ah uu u aqoonsan yahay dowladda sharciga ah ee dalka jirta,taas oo ku tusineysa dhagarta uu imaaraatka la damacsan yahay soomaaliya,iyada oo ay xusid mudan tahay in imaaraatka ay ku xiran yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo horjeeda deganaanshaha dalka.

Sidoo kale kenya ayaa diyaarisay qorshe ay ku dhiseyso xeryo qaxooti kuwaasi oo ay ugu talogashay in ay ka faa’iido lacago badan maadaama ay dooneyso in soomaaliya ay gasho xaalad dagaal.

Kenya malaayiin doolar ayay ku bixineysaa dhismaha xeryaha qaxootiga waxaana uu imaaraatka uu gacan ka geysanayaa dhismaha xeryaha qaxootiga si kenya ay macaasha badan uga hesho caalamka una tiraahdo qaxooti badan oo soomaaliyeed ayaan magangalyo siiyay.

Qorshaha labadan dowladood ee kenya iyo imaaraatka ayaa hadda albaab kale u furay,waxaana xusid mudan in dhowaan doon sidday hub tiro badan oo ka timid dowladda imaaraatka lagu qabtay badweynta hindiya ee soomaaliya taas oo ujeedka uu ahaa in gabi ahaan lagu baabi’iyo magaaladda muqdisho

Hadaka imaraadka ayaa ku soo aadaya, iyadoo mucaaradka ay ka bilaabeen Caasimada rabshado lagu kicinaayo shacabka, si loo muujiyo in dalka Dowlad ka jirin