Hogaamiyaha Maamulka Putlaand oo ka horyimid in Dowladada Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullahi dani oo marti galinaya shirka ay soo qabanqaabisay machadka Hiratage ayaa si toos uga horyimid in in maamulka hawada ay la soo wareegto Dowladda faderaalka ee Soomaaliya islamarkaana laga Maamulo Caasimadda .
Siciid dani ayaa Dowladada Soomaliya ku eedeeyey in xiligaan aysan munaasab aheyn in maamulka hawad ay la soo wareegto dowladda faderaalka, ayna habooneyd in maamulka hawada soomaaliya loo daayo in laga maamulo magaaladda nayroobi ee caasimadda dalka kenya sida uu hadalka u dhigay deni.

Dowlada Soomaliya ayaa dabayaaqadii Sanadkii 2017kii la soo wareegtay maamulka hawadeeda taasi oo ku guulaysatay in ay maamusho, islamarkaana ka celisay Dalka diyaarado laga leeyahay Kenya kuwaas oo si sharci darro ah ku soo galay hawada soomaaliya.

Siciida dani oo saaxiib dhow la ah dowladaha imaaraatka iyo kenya ayaa soo jeediyay in lagu dag dagay lasoo wareegida hawada Soomaaliya.

Kenya ayaa lacago badan Ka heli jirtay Mudadii laga Maamulayey Dalkeeda Hawada Soomaaliya, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday mamulka hawada laga sii maamulo nayroobi,waxaana dadaal dheer ka dib u suurtagashay dowladda faderaalka in ay si rasmi ah ula soo wareegto maamulka hawada ee Dalkeenna.

Hadalka Siciid dani ayaa ku soo aadaya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay kenya, maadaama ay ku eedaysay faragalin toos ah oo ku wajahan madaxbanaanida jamhuuriyadda Soomaaliya.